GADAY MAXAN KU SOO ARKAY ?

Asxaabtada lawadaag

GODEY, MAXAAN KU SOO ARRKAY. Nidaamki Abdi ilay ee faasidka ahaa wuxuu curyaamiyay dhamaan nolashii asaasiga aheyd ee godey, wuxuna bilkasta ka arrruursan jirray shacabka dulman lacag malaayin bir ah oo awoodda dowlada looggu adeegsan jirray.. Shacabka samirka iyo dulqaadka badan ee godey waxay go,aan Ku gaadheen inney dhistaan magaalada mar hadii xukunka dowlada looggu awood sheegtay..bilicda magaalada iyo dhismaha waxaa dhistay shacabka, ganacsiga xorta ah waxaa usamray shacabka hase ahaatee waxa jirra oo aan ka xanuunsaday arrimahan soo socda intaan joogay godey Kana saameeyay daraasad iyo xuuraansi xog-oggaalinimo..

  • Magaalada waxa ka dhisan Kaniisada ugu weyn deegaanka somalida, waxayna leedahay dhul baaxad weyn oo keyd u ah Kaniisada.
  • Kaniisadu waxay leedahay ganacsiga ugu awooda badan ee godey sida baabuurta bajaajka Inn ka badan 500 baaburta ganacsiga
  • Shaqalaha ka Howl-galla ceelasha shidaalka dhamaantood waxay Ka yimaadeen Ethiopia kale ,bilkastana waxaa yimaada Magaalada shaqaale cusub oo Ethiopia ah meesha ay kumanaan dhalinyarada godey camal heynin.
  • Magaalada Waxaa Ka taagan biyo la,aan baahsan balse Waxaa la yaableh Inn biyaha wabiga laga ooman yahay Isla markana aysan jirinba dareen iyo dood arrinkan lugu xalinayo.
  • Magaalada Waxaa xarrumo ganacsi Ku leh inn ka badan 9 bangiyada ganacsiga Ethiopia , marnaba Ku arrki meysid shaqsi Somali ah oo ka Howl galla mise ka shaqeeyo adeega bangiyada lacagta .

Waxan maanta isweydiiyay kaligey Anigoo Kolba warbixin ka diyaarsanaya shacabka dulman godey, maxaa Ku dhacay oo ay ugga aamusan yihin duruufahan 20 sano lugu soo jiiray, aqoon yahanka iyo wax garadka Ku nool godey ee arrka kumanaanka dhalinyarada ee camal la,aanta la taag-taagan Jidadka godey.

GODEY, waxay ubaahan tahay wacyi galin iyo miisaaniyad dhaqaale oo dag dag ah si loogu maalgaliyo barnaaamijka kobcinta garaadka iyo lahaan shaha dhulka , daryeelka dadka .

GODEY, XUQUQDA DASTUURKA ETHIOPIA IYO MARIN HABABINTA. Intan Ku jirray xuuransiga iyo xog-raadinta deegaanka Waxan aad ulla fajacay dhaqan xumada iyo fasahaadka uu ku faafiyay deegaanka kooxdii Abdi ilay..Hadaba, maxaa ka mid ah fasahaadka Laga dhaxlay dastuurka Ethiopia ee shacabka lugu Marrin hahaabiyay..

  • Dhamaan goobaha caafimaadka Waxaa Ka Howl-galla kalkaalayaal caafimaad oo ka yimid maamulada shucuubta koonfureed iyo ahmara dhinaca kale kuliyada caafimaadka godey waxay soo saartaa afartii sano , kumanaan dhalinyarada deegaanka oo culuumta Kala duwan ee caafimaadka Ku xeeldheer balse ma filayaan inney Ku caawin doonaan Cilmiga ay soo barteen deegaanka ay udhasheen maxaa yeelay dastuurka Ethiopia Wuxuu mudnaanta siinayaa oo kaliya sharafta iyo karaamada Ethiopia kale ka yimid buuraha fog fog (cajib)
  • Deegaanka somalida Wuxuu caan Ku ahaa soo saarida dhalinyarada diinta islaamka ku xeeldheer gaar ahaan ( Axaadista ,. Tarsiirka qur,aanka iyo axkaamta ) Maanta arrki meysid dhaqankaasi soo jireenka ahaa balle waxaa lugu badalay shuruuc laga soo manguuriyay dastuurka Ethiopia gaar ahaan kuwa ugu liita ee fasahaadka iyo xumaanta faafinaya .

Deeganka somalida wuxuu ubaahan yahay qorshe guda balaadhan oo dhamaan laamaha bulshada lugu soo casuumayo si jiritaanka danbe ee mustaqbalka dhalinyarada loo bad -baadiyo.. Musuq-musuqa iyo boobka hantida dadweynaha waa xalaal hadii aad ka mid ahaato unugyada guud ee dowlada deegaanka

GODEY..SHIRKADA KORONTADA IYO DULMIGGA MASAAKINTA.. Magaaladda jig jiga waxaa loo fadhiyaa shirweyne lugu sheegay bad-baadinta deegaanka iyo shacabka dulman. doodu waxay ka taagan tayay shacabkan miyaa loo diirnaxayaa mise ma,jiraa qorshe jawaab dag dag ah lugu daryeelyo kumananka qoys ee biskasta lugu soo dalacayo lacagta xad-dhaafka ee bilaa nidaamka ah. Godey, waxay ubaahan tahay wacyi galin joogta ah oo lugu difaacayo xuquuqda shacabka dulman..

Shirkada korontada godey, waxay malaayin bir ka soo saartaa jeebka masaakinta dulman ee sharci iyo nidaam difaaca uusan jirrin.. Intaan joogay waxan arrkay 320 qoys kuna nool godey oo ka murugeysan lacagta kumananka bir ah ee lugu soo dalacay iyaggoo Markii hore la rafaadsan biyo la,aanta baahsan iyo maclusha ka jirta gobolka Shabeele gaar Ahaan godey..

Dhamaan nolasha asaasiga waxaa ka taaggan Musuq-musuqa iyo maamul xumo si ullakac ah looggu fulinayo shacabka dulman ee duruufaha qalafsan soo marray..

Dhalinyarada deegaanka waxaa Ku waajib ah inney difaacan xuquqda asaasiga ah shacabka dulman, kuna dhiiradaan uhiilinta masaakinta loo adeegsanayo shaatiga dowladnimada ee cadaalada iyo sinaanta ka fog..

By mujahid sheikh Ibrahim


Asxaabtada lawadaag

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *