Madaxwaynaha Jubbaland Axmed M. Islaam, waxa uu beddelay dastuurkii
Madaxwaynaha Jubbaland Axmed M. Islaam, waxa uu beddelay dastuurkii — si uu talada isaga joogo intii uu doono. Yeelkeede, aan isla eegno 13 sano iyo waxqabadkiisa (2012 — 2024).
Dhul ahaan, Jubbaland waxay ka kooban tahay saddex gobal (Jubbada dhexe, Gedo iyo Jubba hoose). Gobalka Jubbada dhexe, waxa uu ka kooban-yahay afar degmo (Bu’aale, Jilib, Saakoow iyo Salagle/Dujuma). Afartaa degmo, midna ma gaadhin maamulka Axmed Madoobe. Waxaa haysta kooxda Al-Shabaab.
Gobalka Gedo, waa lix (6) degmo (Garbahaarey, Baardheere, Beled-xaawo, Doolow, Ceelwaaq iyo Luuq). Lixdaa degmo ee gobalka Gedo na, kama taliyo maamulka Axmed Madoobe. Ku darsoo dhammaan degmooyinka gobalka Gedo waa ka xor ururka Al-Shabaab!
Gobalka saddexaad waa Jubbada Hoose, oo ka kooban shan (5) degmo (Kismaanyo, Afmadow, Badhaadhe, Xagar iyo Jamaame). Shantaa Degmo, saddex kamida (Badhaadhe, Xagar iyo Jamaame) kama taliyo maamulka Axmed Madoobe. Waxa uu ka taliyaa laba (2) Degmo oo kaliya ! (Kismaanyo iyo Afmadow). Si kale, haddii yidhaa, Jubbaland waxay ka kooban tahay saddex gobal iyo 15 Degmo. Waxa aan Axmed maamulkiisu gaadhin 13 Degmo. Waxa uu maamulaa laba (2) degmo oo aan cirka mooyee dhulka la isaga gud-bikarin! Maxaaan ku idhi? 13 sano iyo 2 degmo !!
Dhanka siyaasadda iyo dawlad-dhiska Soomaaliya, waxa uu Axmed noqday nin fallaag ka ah dawladdiisa oo marwalba ku tiirsan shisheeye isla markaana lagula dagaalamo hadba ciddii joogta Villa Somalia. Intii uu Jubbaland joogay —aan idhaahdee labada degmo, waxaa Madaxtooyada Soomaaliya iska beddalay 4 Madaxwayne. Mid walba oo kamida afartaa waa uu la dagaalamay. Shariifka waakii la dagaalamay isaga oo Kenya iyo Itoobiya dhabarka ku haya; Xasan Sh. Maxamuud (xilligii hore) waakii la dagaalamay isaga oo TPLF iyo Kenya ku daaban; Farmaajo waakii la dagaalamay isaga oo Kenya, TPLF iyo Imaaraadka ku tiirsan. Xasan Sh. Maxamuud (mar kale) waakan dagaalka ku iclaamiyay, wuuna lasii dagaalamidoonaa. Ka xiga iyo kasii xigana shakili’i waa uu la dagaalamidoonaa haddii uu sii joogo Kismaanyo. Cabdullaahi Yuusuf – AUN – qudhiisa waa uu lasoo dagaalamay isaga oo magac kale wata (Jihaad-doon = xukun-doon)!
Haddii aan eegno gudaha Jubbaland, cod aan kiisa ahayn oo laga maqlikaraa ma jiro. Mamnuuc! Wax waliba waa isaga iyo rabitaankiisa. Si kooban, waa kalitalisnimo shuruudaheedii iyo arkaanteedii u dhammaystiran-yihiin! Wixii kale ee maamul looga baahnaa haba sheegin! 13’kaa sano ee uu joogay ma jiro hal Iskuul, hal Isbitaal, hal waddo iyo hal ceel-biyood oo miisaaniyadda Jubbaland lagu dhisay oo labada degmo ee uu joogo laga fuliyay (waxyaabo yar-yar oo ay baanka adduunka iyo hay’ado fuliyeen waa jirikaraan). Bal’e, dekadda Kismaanyo oo ah isha dakhli ee ugu wayn ee maamulkiisa, haddii uu maanta xabaasha kasoo bixi lahaa Maxamed Siyaad Barre – AUN — kaddib na uu booqon lahaa dekadda waa uu garan-lahaa shakili’i ! Waayo?Waa tabtii ay dawladdii dhexe ee kacaanku kaga tagtay oo wax dhisme cusuba ama xitaa dayactira laguma samayn xafiisyada canshuurta lagu ururiyo.
Sawirku waa Axmed Madoobe, Tedros Adhanom wasiirkii Arrimaha dibadda Itoobiya (haddana Agaasimaha WHO) iyo Faarax cabdulqaadir oo ahaa wasiir ka tirsanaa xukuumaddii Xasan Sheekh Maxamuud (muddo xileedkii hore) oo Addis Ababa heshiis loogu kala qoray sanadkii 2013
Qore IAI