DHAGAXBUUR RAADYIHII XAAJIGA
DHAGAXBUUR: Raadiyhii dukaankii xaajiga!
In muddo ah waxaa caadi ahayd in aan qoraalo warar u badan idinla wadaago. Wariye ma ahi balse wararka waan jecelahay. Ma hubo goorta iyo sida ay iigu dhasheen jacaylka wararku, hasayeeshe waxaan u malaynaya inay ka bilaabantay mid kamid ah dukaanadii magaalada Dhagaxbuur – dukaankii adeerkay Xaaji Nuur Hirad (Illaahay ha barakeeyo isaga iyo duriyadiisaba ee).
Bal wax yar aan idin xusuusiyo Dhagaxbuurtii aan ku barbaaray. Nolosha magaalado waxay ku tiirsanayd ganacsiga, xoolaha-nool iyo beeraha.
Dhismayaasha ugu caansan magaalada waxaa kamid ah masjid jaamaca oo wagaas lahaa minarat ta hadda ka qurux badan; jibriga oo markii dambe loo badalay bangi iyo xafiiskii awrajaha. Dhismayaasha waxaa dhisay Talyaanigii markii u qabsaday gobolka.
Dhismo kale oo wagaas caan ahaa wuxuu ahaa: Fooqi Xaaji Maxamad-tuur! Wuxuu ku yaalay meel aan ka durgsanayn masaajidka wayn.
Magaaladu waxay lahayd dugsi hoose-dhaxe iyo xaruun caafimaad oo la odhan jiray waxaa dhistay shirkad Jarmal ah.
Waxyaabaha kale ee aan xusuusto waxaa kamid ahaa Bustankii oo ku yaalay togga. Garan maayo sababta laakiin lamaanaha is aroosa ayaa u tagi jiray wax loogu yeedho todobobax.
Qoysaska magaalada degan waxay lahayeen beero ku yaalay duleedka magaalada oo laga beero hadhuudh ku baxa roobka. Qoysas badan ayaa laha hal ama 2 sac. Lo’da intii la isku daro ayuu nin aroortii foofin jiray kadibna maqribkii ayaa la soo celin jiray. Waxyaabaha aan wagaas ka yaabi jiray waxaa kamid ah in sac kasta yaqaanay xafadooda!
Cuntada dadku waxay u badnayd wadani – kimis, garow, shuuro, hilib iyo caano. Dabcan way jireen dad doorbida bariis iyo baasto.
Runtii, magaalada dad badan kuma noolayn waayo waa la is wada yaqaanay. Bulshada magaalado waxay ka koobnayd dad kala duwan oo qaarkood shisheeye yihiin laakiin waxay ahayd bulsho aad isu jacel oo ku midaysan magaca Dhagaxbuur – waxay u dhaqmi jireen ama isu jeclayeen sidii hal qoys oo wada dhashay.
Dadka magaaladu waxay qiimayn jireen waxbarashada. Caruurta marka hore waxaa la gayn jiray dugsi Quraan. Kadib waxaa la hubin jiray inla geeyo madariso lagu baro Carabiga, diinta iyo maadada xisaabta (basic arithmetic)
Markii la hubiyo in ilmuhu leeyahay aqoon diimeed aya dugsiga dawlada loo diri jiray. Waalid badan waxaa ku jiray tuhun la xidhiidha dugsiga dawlada oo macalimiintiisu u badnayd dad aan ahayn Soomaali.
Waxaan xusuusta in qayb badan oo ardayda dugsiga dawlada dhigataa ahayd Xabashi. Erayga Xabashi waxaa wagaas loo adeegsan jiray dadka Itoobiyanka oo Idil
Badhtamaha magaaladu wuxuu u dhisna sidii 4-gees isla eg (square). Geesaha waxaa ku yaalay dhismayaal dhagax ah oo u badan dukaano, halka dhaxda 4-geeska uu ka yaalay geedkii haweenku – dumarka ayaa ku gancsan jiray.
Guryaha kale ee magaaladu waxay u badnayeen dirgado ka samaysan qoryo, sarab iyo ciid. Dirgaduhu aad ayay ugu haboonayeen cimilada magaalada. Maalintii waxay ahayeen qabow; habeenkiina diirimaad. Ceebtoodu waxay ahayd way daroorimayn jirin xiliga roobka.
Noloshayda badankeeda waxaan ku qaatay mid kamid ah dukanadii Dhagaxbuur. Waa dukaankii adeerkay Xaaji Nuur Hirad oo koritaankayga iyo barbarintayda qaybta ugu muhiimsan ka qaatay.
Badeecadaha dukuumada lagu iibiyo waxay inta badan ka iminan jireen Somalia. Gaadiid Hargeysa laga soo rari jiray ayaa lagu dajin jiray dhulka miyiga ah kadibna waxaa magalada lagu soo galin jiray awr.
Nasiibdaro, xiliyada qaarkood waxaa badeecadahaas dhici jiray waaxda cashuuraha (jibriga) ee Ethiopia maadama loo arkayay ganacsi aan sharci ahayn – kootraban.
Dadka magalada ayaa u badnaa maacamiisha dukaanada, laakiin faa’iidada ugu badan waxaa laga heli jiray alaabta laga gado buuralayda iyo askarta oo ku imin jirtay gaadiid kolonyo ah (convey).
Waxyaabaha buuralaydu iibsan jirtay waxaa kamid ah cadarka (feerfeer shitoo), saacadaha, tooshashka, baatariyada iyo shaadhasha.
Waxaa kale oo ay magaaladu caan ku ahayd ganacsiga subaga oo ilaa Jabuuti loo dhoofin jiray.
Dhanka Ethiopia wax badan kama iman jirin. Waxaan xusuusta sokor ku jirtay jawaan maroodi ku sawiran yahay (Wonji Sukaar) iyo baasto dhadheer oo ku jirtay waraaqo midabka kaakiga oo kale ahayd.
Dukaan kasta waxaa yaalay raadiyo. Sababta ma garanayo, hasayeeshe waxaa hubaal ah in raadiyaha laga heli jiray warar, suugaan iyo waxyaabo kale oo lagu madadaasho.
Dukaanka adeerkay waxaa yaalay raadiyo aan filayo inuu Phillips (filibis) ahaa – malaha waa meeshaas halka aan ka keenay war jacaylka.
Waxaa aad loo dhagaysan jiray Radio Muqdisho, Radio Hargeysa iyo BBC-da. Waxaa kale oo caan ahaa Radio Addis Ababa.
Ma sheegi karo cid i bartay balse waxaan aqaanay idaacad kasta oo af Soomaali ku hadasha. Kuwaa kor ku xusan ka sokow, waxaan dhigaysan jiray idaacado laga baahin jiray Jabuuti, Niarobi, Qaahira, Rome iyo Moscow.
Xita waxaan dhigaysan jira idaacad laga sii daayo diinta Masixiga oo wagaas la qarin jiray balse aan mar dambe ogaaday inuu saldhigeedu ahaa Niarobi.
Dadku waxay inta badan xiisayn jireen wararka, gabayda iyo barnaamjada ku saabsan taariikhda sida halgankii daraawiishta.
Dabcan, dhalinyaro waxay aad u xiisayn jirtay heesaha.
Ma ahi suxufi ama qoraa laakiin waxaa aan wali jecelahay wararka.
Marka aan shaqada soo dhameeyo islamarkaana hawlaha qoyska ka fara-xasho ayaan wararka aduunka isha mariya; kadibna waxaa aan is leeyahay bulshada ayuu dan u yahay ayaan idinla wadaagaa.
Saamayntii uu igu reebay raadiyihii dukaankii Xaaji Nuur Hirad ayaa horseeday jacaylka aan u qabo wararka.
Waxaan ku faraxsanahay in saamayntaasi raad ku yeelatay dad badan oo bartayda Facebook ku xidhan iyo kuwa kale oo iyaga ku sii xidhan
Mar kale, Illaahay ha barakeeyo adeerkay Xaaji Nuur Hirad iyo duriyadiisaba.
Dabcan, Eebe ha barakeeyo magaalada Dhagaxbuur ee aan ku soo barbaaray.
Dhagaxbuuray ha dheeliyin oo waligaa dhisnow.
qore Dr Abdulhirad
…
La soco qaybta 2aad.