INDHO KU GARAADLE
INDHO KU GARAADLE
Caalamka wax addoonsada wuxuu soo maray heer ilbaxnimo sida wax loo addoonsado. Waxaa ugu horeeyay nadaamkii addoonsiga oo qof 9 bilood ku dhashay mid 9 bilood ku dhashay leeyahay. Addoonku xataa caruurtiisa ma lahayn, waxay ka mid ahaayeen hantida midka iyaga leh.
Waxaa ku xigay nadaamkii dhulgoosiga. Qofka isaga lama laha, lkn, xoogiisa ayaa ninka dhulka leh leedahay. Qoyska oo dhan ayaa midka dhulka leh ugu shaqaynaya si qasab ah.
Waxaa ku xigay uguna dambeeya gumeysiga. Waa dal dal kale qabsada. Ujeedada gumeysigu waa dhaqaale. (la qumeysto) dhaqaalihiiisa ayaa midka wax gumeysta lagu kobcinayaa. Dadka la qabsaday si rasmi ah (formal) looguma diidayo inay shaqaystaan. Lkn, gumeystuhu wuxuu abuurayaa xaalad ayna horumar sameyn karin, isaga oo ka feejig inay wax fahmaan, ama tayo ay iska caabin ku sameeyaan.
Markii uu baraarugii iyo codsi madax banaani kordhay wuxuu gumeystuhu bilaabay inuu xoreeyo siyaasiyan waqti ay noloshii bulshada ee kale isaga ku tiirsan tahay. Mar haddii ay noloshii bulshadu (dalku) ku tiirsan tahay kii gumeysan jiray siyaasiyana kama madax banaanaan kartid. Gumeysigii intuu ALBAABKA KA BAXAY AYUU DAAQADA KA SOO GALAY. Taas waxaa la yidhaahdaa gumeysiga nooca cusub (neo-colonialism).
Gumeysiga Itoobiya ay gumeysanayso Ogadenya wuxuu soo maray marxalado uu markasta tabahiisu is beddelayaan. Waagii hore dalka Somalida waxay u soo diri jirtay ciidan soo xaalufiya dad iyo duunyaba oo ku soo laabta meeshuu ka yimid. Haddii aan soo koobo, markii uu dal qabsadayba kacdoonyo xidhiidhsan ayaa bilowday. Gumeystuhu wuxuu go’aansaday inuu xoog ku muquuniyo kacdoonka iyo g/doonka. Way u suuroobi wayday. Si ay u dhantaasho isku duubnida shacabka waxay magacawday ay maamulo gobolo iyo degmooyin, si ay ugu tusto inay is maamulaan. Waxay mushahaaro (hafaryo) u qortay oday dhaqameedyo midka kasta qoyskiisa lagala xisaabtamo (qaybi oo xukun). Taasina way damin wayday halgankii g/doonka. Tijaabadii xigtay ee maskaxda ka qabso ahayd waa waxayn ay DDS ugu yeedhaan. Run ahaantii iyana ma joojin Halgankii g/doonka.
Tijaabadi gu dambaysay ee horumarka gumeysiga dhinaca hal abuurka (sida adoonsi, dhulgoosi, gumeysi) waa inuu fahmay dhaqanka inagu cusub ee muuqaalku inooga fiican yahay nuxudhka. In muuqaalka kasta oon jecel lahay laynoo ogolaado si aan u ilowno mushkilada asalkeedii. Waxyaalaha aan ku godlaynay waxaa ka mid ah calankii ONLF; magacii (ONLF), taaldii Sayid M. A.Xasan, iwm. Cadowga Itoobiya ee gumeysatada ah mar haddii aadan iyada iyo danaheeda wax yeelaynin inay ogolaatay inaad ku dhawaaqdo “ogadenya ha xorowdo”. Taas waxaan u arkaa inay horumar ka gaadhay fikir curuntaas.
Sida muuqata, halgankii g/doonka ahaa ee gumeysiga Itoobiya la kowsaday wuxuu u ekaaday inaan A/Eley iyo Tigre qudha la dagaalamaynay. Hadda waxaa soo baxay dad aqoon yahankoodii, siyaasigoodii, mucaaradkoodi dhawranaya oo ku “dagaalamay” CALANKA JWXO oo haddii qori uu sudhnaa laga dejiyo dacwado iyo dareen muujinaya; iyo qobka 39aad ee dastuurka Itoobiya. Calanku wuxuu macno sameeyaa markii wixii loo sameeyay lagu dhaqmayo. Q/39aad wuxuu macno sameeyaa markii la hirgelinayo waxa uu tilmaamayo. Dhibkii ugu badnaa shacabka wuxuu ku dhacay markii qodobkaas lagu soo daray dastuurka gumeysiga – qodob iyo calan aan camal la soconin dadka wax ma garatada ah ayaa lagu hoolaalayaa.