DILKII SHEIKH DEEQ AUN 18/07/2016 Q 3AAD
Habeenki magaalada lagama sexan, waxaa isqabsadey dhawaaq iyo alalaas, rasaasta iyo durbanka ayaan maqleynay anago sidii ah ayu waagi baryay salaada makhrib midii cisho salaadihiiba way noo diiden inaan tukano. Laakiin anigu waan niyeeystay.
marku waagi baryay ayaa waxa naguso kalahay maamulkii magaalada qabridahar dhalinyarada iyo hawenkii waxayna bilabeen inay nagu ciyaaran waxeey aad ogu ciyaarayeen adeer gadhcase.
,#sacdiyo madaxey oo aheyd madaxa arimaha hawenka iyo gabdho ay qabaan liyuupolice ku ayaa adeer gadhcase inteey u imaaden Ku ciyaaraya waxeey Ku sameynayeen waxeey dumar sameeyan ma aha gadhka ayeey jidayeen,afka ayeey ka haraatinayeen candhuf ayeey Ku tufayeen waxaa intaas garab taagan cidan oo Ku qoslaya oo dhahaya warya hoos ma fiirin kartid gabdha Maxaad indhaha ogu gubi ayeey Ku lahaayen labba bukoorad uheysta oo kolba Ku dhufanaya markey arkaan inu dhibsanayo waxeey gabdhu Ku sameeynayaan waxaa u yimid gudomiyaha dhalinyarada oo wata kox marku sidaas u ag istaagay ayuu afka ka laaday adeer gadhcase “diinta intu caayay ayu yidhi waxaan ayaa dalka iyo dadka gubaya” markaas ayeey dhaheen kaas nogu yedh askari wuu ii imaaday wuna ii ka xeeyay gadhcase ayu ii ag fadhisiyay markaasbu kii dhalinyaradaha wuxu yidhi ma istaahishan inaad noolataan gaas ayaan idinku gubi lahaa hadan anigu ahay”marku midu hadal dhaho ama wax nagu dhufto inta kale ayaa qosol Ku dhufan.
Waxaa noo imaaday koox axmaaro ah oo yaaceysa sawir ayey nala ag istaagen gabdh ayaa adeer gadhcase candhuf ku tuftay axmar ayaa ku xanaaqay intuu afkoodi shubay ayeey wada murmeen ciil murugo, xanaq, warar ayuu qalbigu ila olalay.
Dhiigeeyga nafteyda ayaan u huraynay in aan itobiya ka xoreeyno kuwaan u hilinayay ayay itobiya iga cel celineysaa waxay ahayd wax aan maskaxdayda kusoodhicin Ethiopian ayaa kuwaad dhiigaaga uhurtey kaaga ficnaan.
Inyar kadib waxaa loo yeedhay naftihure beergel waxaa loo sii qaaday Shilabo si uu oogu xaqiijiyo meydka eey wadaan inuu yahy AUN sheikh deeq marku uso xaqijiyay ayaa gawaadhi laysku daabulay hawenki iyo dhalinyaradi, maamulkii gobolka, waxay aadeen meydkii sheikha sii eey ooguso dul dhaanteyaan koxdan waxaa hor boodaya gudomiyaha gobolka qoraxey iyo Sacdiyo madaxeey oo aheyd arimaha hawenka(islaanta meydka sheiikha afka kaga taagan weeye),
marki la keenay beergel ayaa gaadhi nala saaray waxaa nala dhex istaajiyay shacbkii magaalada oo lasoo bixiyay Dadka qaar wajiyadooda ayaad ka garan ineey kula murugeysanyihiin badhna way nagu jees jeesayeen dhagaxyo ayeey wateen lkn cidanka ayaa diiday ineey wax nagu dhuftaan abayaasha, hooyoyinka, walaalada, oo lagaa cel celinayo adigoo iyaga u hilinayay ciil iyo calooyoow badanaa murugo badanaa nolal nac ayaa nagu dhacay geeridaan tamniyay waxaa maskaxdayda kusoo dhacaysay ala nasiib badanaa saxiibadaadii geerida dhadhamisay ilaahay ayaa dhaafiyay indha xumadaatan.awaxaa ku jees Jeesay kuway udhawacmeen, ugaajoodeen u oomeen eey nafta uhureen.
Maskaxda kama go’ayso wixii maalintaas nagaadhay waxayna noo ahayd dhacdo dhaawcdey maskadayda balse waxaan niyadayda usheegeeyay hadaad dhimato geeri loodhalay oo waa midaad qoriga uqaaday hadii dunidan nololi kuuhadhayna waxaad dhaxashay khibrar iyo waayo aragnimo
Qaybtan waxay kusaabsan tahay qabashadii dhabuuke.
Dhabuke cisman celaabe marku ii waayay ayuu rerkii so aaday si uu ii raadiyo markuu reerka agtisa marayo ayuu maqlay hadalka ciidanka oo Xafada kasii baxaya markeey aniga i qabteen ayay xaafadii kasoo tageen, mudo hal sac ah markaan jogay ayaan isla xafadii la iga qabtay ayuu biyo ka qaatay, markaas ayuu intu raad gatay dib Somalia u aaday, habeenkii oo dhan wuu socday maalinkiina wu is qabarey xaladiisu waxeey aheyd habeena soco maalina ka gabo balaayada, habenkii dambe ayeey Kuwo maleshiyaan ah meel iska helen mid ayuu ka dhawacay isagana waxbo ma gaadhin, markaas ayeey ogaaden inuu ku wajahanyahay dhankaas iyo matabaan liyugii ayaa la hadlay tuugti ehlu sunna oo ahaa dilaalinta tigreyga ujooga matabaan.
Marku laba bari sii socday ayuu galay antenkii somalia wuxuu wacay qaar ka mid ah xubnaha jamhada isagu waxbo ma ogo balse waxaa gadaal kaso raad qadaya liyuuga dhanka horana waxa kaso socda dilaaladii tigrey (ehlu sunna)
Markuu marayo aaga matabaan magaladiina kudhawyahy ayay ka hor imaaden ehlu sunna markaas wax qori ah mawato dhar shacab ayuna qaba way qabteen waxayna dheheen waryaa kuma tahy?
wuxu sheegtay magaciisa lkn waxeey hayeen xog ah inu la’ yahy sadex farood oo u halganki dheera kuwayay waxey kudhaheen gacmahaga na tus marku tusay ayeey qoriga dabadiisa La dhaceen, dib dayeey katiinad oogu xidheen,l.
naftihure dhabuke labadiisa gacanba waka dhaawac oo midna Oma fiyooba wuxuuna Ku yidhi war dhawac ayaan ahay idaaya.
Waxay ugu jawaabeen ma UBBO ayaan naxariis ugalaa waligaaba dhaawac ahow
Waxay usii qaaden balad Wayne waxayna ku wareejiyeen cidanka militariga etoobiya ee halkaas kusugnaa, ciidankii ayaa ka furey katinadii ay soomaalida culimada sheeganaya kusooxidheen, dhabuuke wuxuu noosheegey iney milatariga Ethiopia uga naxariis badnaayeen kuwii soomaalida ahaa een walaalaha ahayn.
Sidaas ayaa laso gudbiyay waxaanaaHalkaas naloogu keeney jeel-ogaden.
Halkaas waxaa ku dhamaatay qisadii/tarikhdii shahiid sheikh deeq.
Waxaan bilaabidoonaa tacadigii, bahadilkii, ciqaabtii, caydii, hurdo la aantii nagu qabsatey jeel-ogaden iyo qafaalkii bayaxo iyo wixii nagu .
Waxaa qoray halgame Abdirisak shukri abdi oo kamid ahaa 7 xubnood