DILKII SHEIKH DEEQ AUN 18/07/2016 Q2AAD

Asxaabtada lawadaag

Intaan qebta afaarad bilaabin waxaan idiin sheegaya #ehlu sunna wal jamaacah ineey Dilkii sheikh deeq wax lug ah kulaheyn lkn #Dhabuke oo dib Somalia ogu laabtay qorina aan wadanin ayeey matabaan agteda ka qabteen. Dagaalkii waanka baxnay wado mariyihii wuu Naga cararay,labo caag oo biya ah oo uu no wadayna wuu nagala tagay.maalinkii odhan maana soconin meel ayaan galnay xidh ah casar gaaban markey tahy ayaan bilawnay hayaankanagii,Dhulka manaqaano lkn naftihure Dhabuke oo waagii Dagaalkii 77 wadada Maray ayaa cidanka hor kacay,markeey tahy afar sac oo habenimo ayaa waxaan maqlnay dhawaaaq iyo muran,waan istaagnay markaas ayu naftihure sheikh deeq wuxu diray beer geel iyo aniga wuxu yidhii soo ogaada,meeshii ayaan aadnay markaan ku dhawaanay ayaan maqlnay “shalaqe ” iyago iskugu yeedhaya waxaan ogaanay ineey yihiin liyu waan kusii soconay ilaa aan aragno wado.Wadada eey cidanku fadhiyaan wardigana ka hayaan waa wadada isku xidha feer feer iyo shilaabo,waxaan ku laabanay cidankii akhbaarti ayaan siinay markaasbu sheikhu yidhi inaan wadada so goyneyno ayeey ogyihin sidaaas ayeey uxidheen “” wadadu caawa weey xidhantahay ayu yidhi naftihure dhabuke”EE maxeynu sameeyna,sheikha wuxu yidhi waan garab qaadeyna ee ina geeya shanqadhana hala yareeyo,ileen cidaankuba wuu is hayaa Ila laba baar.Markeey tahy sideed sac markaan is dhahno hada waad goyn kartaan oo meshu waa cidlaba shanqadhooda unban maqlnaa markaas ayaan dib ulaabanay in mudo ah markaan soconay ayu sheikhu cidankii dajiyay wardiina bixiyay,waxaa cidanka lo tosiyay salaada subaxa markaan tukanay ayeey dhabuke iyo sheikhu gees iskula baxeen markeey wax yar naga maqnaayen ayeey no imaaden waxeey no sheegen inaan wadadii ka war dooneyno in lamari karo iyo in kale.Markey tahy laba sac oo aroornimo wadadiina aan udhawnay ayaan kasoo dul dhacnay cadawgii waxaan aragnay anago kudhex jirna isla markiiba iyagana weey na arkeen xabadii ayaa bilaabaty sheik deeq ayaa cidanka Dagaal galinaya ninkii ogu horeeyay ee xabada Ku rida ayu ahaa,in mudo ah markeey socotay ayaan dib ubaxnay markaanu gees uyara baxnay ayuu cidan dhabar jabin ah nasoo galay lkn waxaan ku ficneeyn oo na caawiyay gees gees ayaan ubaxnay isla markiiba waxaa naga shahiiday ilahay haunaxariistee Naftihure #yusuf yamani oo ahaa ninkii geska aay cidanku nagasoo galeen ninkii u xigay,markaas ayeey xabadu kululaatay toos ayuu sheikhu cidaanka ufadhiisay,xabada ayu kolba dhinac ka galayay isago cidanka gubaabinaya ayu sheikhii dhawacnay,Xabadu markeey Ku dhaceeysay waxaa ka garab dagaalamayay naftihure xayi dheere,markiiba wuxuu ogeeysiyay xabado socota naftihure dhabuke isaga ayaana larmigii iyo Dagaalkii la wareegy,beer geel,xayi dheere ayu Ku yidhii dhawaca sheikha qaada oo saara, cidankiina dib ubaxa oo sheikha difaaca ayuu nagu yidhi.wax yar kadib waxaan Ku dhaadhacnay meel faraq ah, ilahay amarkiisa naftihure gadhacase ayaa dhinac uu baxay faraqi markan galnay ayuu na arki waayay markaas ayeey isagii wada ceydhsaden dhawacanagiiba meeyna arag,dhabuke ayaa yidhi xabad ha ridiina.Ilahay ayaa maalinkaas no fududeeyay dhawacii sheikha inaan si nabad ah kula baxno,markaan In mudo ah sheikhii tunka Ku wadnay ayaan meel xidh ah dagnay,sheikha waxeey xabadu kaga dhacday bawdyaha lkn meeyna jabiniin lafta ayeey gaadhay,kadib waxaan ku dhufanay dhiig joojin meeshiina waan dhaqnay kadibna faashad ayaan ku dubnay sheikha waxaa so gaadhay dhawac adagg ,naftihure gadhacase waxaan ku tirineeynay inu shahiiday waayo cidaankiyo dhan ayaaa ceydhsaday wuna xanuunsana oo aad oma ordi Karin.Dagaalka waxaa nagu gaadhay khasaare,ilahay haunaxariste naftihure Yusuf yamani wuxuu no waday labo caag oo biya ah,gadhacase na caag ayu no waday,sidaas waxaa gacantanada ka baxday shaan caag oo biyo ah markii horana lix unbaan wadanay waxaa no so hadhay hal caag oo badhan ,Markii ogu horeysay een dagnay ayaan qadh qadh cidanka shaah logu kariyay,Talo weey nagu cakirantay,raagi aan saxiibada aheyn badh weey shahiiden,badhna ayagoo dhawaac ah ayaan tunka kuwadanaa,qaarna geerii iyo nolaal midna kuma heeyno,biyo maheeysano,dhulka ma naqaano,wixii cidaan ahaa odhana dhulkii ayaa laguso daayay,

Waxaan galnay jawii adagg saxiibo aan waheshaneynay ayaa garab kanagii ka baxay,badhna geeri iyo nolal kuma heyno,badhna tunka ayaan kuwadanaa iyagoo dhawac ah,wax biyo ah maheysano,Dhulka ma naqaaano,Talo faraha weey ka baxday ilahay mooye cid kolon gurmad ka sugeyno ama meel aan xita isleenahy biyaan ka heleyna majirto.

Markaan tukanay salaadi duhur ayu Dhabuke intanadii soo hadhay na feliyay wuxu noo sheegay inaan niyada dajino hadana la rabo inaan raadino shanqadh reer oon biyo ka helno,wuxu diray labo naftihure wuxu yidhi wax reero ah soo raadiya hadaad aragtaana soo laabta yaan laaidin Arkiin wu la dardarmay,markey labadii naftihure in yar nagasii socdan ayaan maqlany dhawaaqa xabada,durba waxaan meshii ka ludsiinay sheikhii,xalada sheikhu waa garab luudis socod kale malaha,meshii waanka badalnay meel kale ayaan geynay,in mudo ah markaan meshii jognay ayu Dhabuke igu yidhi orod oo raadi ragii meshaan kaso gurnay ayeey joogaane hadeey bad baadane,meshii ayaan so adaay intaan meshii gaadhin lkn anku dhawahay ayeey iyagu ii arken weey ii yedhen sidiiban sheikhi ogu tagnay,weeyno warameen waxeey no sheegen inu wadanku wada ciidan yahay habennimo un in shanqadh rer la raadiyo.

Markaan makhrib tukanay ayu dhabuke,shahiid xayi dheere ku yidhi oroda adga iyo Abdirisak is raaca oo biyo doona,markaan mudo hal sac ah wareegeynay ayaan maqlnay shanqadh rer waan aadnay,sidaan u gaad gaatameynay ayaan rerkii bowdkiisi fadhiisanay waan shanqadh dhageysanay inu mesha cidan jogo iyo in kale,waxaan aragnay sigaar meel ka shidan ruuxa cabaya wu fadhiyaa geedna madaxa wuu ku hayaa markaas ayu xayi itaabtay dib dib ayaan ubaxnay,shanqadhanadii ayeey dareemen xabad ayeey nagu rideen dhulka ayaan beer beer iskugu turnay markey hal xabo rideen shanqadhiina eey waayen ayu midu yidhi “war xabada ma geedaha eey dabeeyshu wadaad ku riday”,waan baxnay ilaa labo xafadood oo kale ayaan marnay habeenkas inaan biyo helno weey nagu adkaatay,reer walbo cidan ayaa dul fadhiya aaga inaan kujirno weey ogaayen marka. Xaafad walbo cidan ayaa la dul geeyay.

Anaggo haraadsan,ooman,xitaa hadalka soo saaro la,a,daalan, biyo na aan wadain ayaan todobo saac oo habenimo utagnay cidanki ,xogtii ayu siyaay xayi dheere cidanki,wadanka inu wada cidan yahay meel walbana xidhantahay ayu usheegay,kadib dhabuke wuxuu yidhi sheikha garabka qabta oo aan luudino mesha fadhi ma yaale,markaan in mudo ah soconay ayu sheikhii yidhi cidanka daji dhabukaw sidii ayaan ku dagnay,wuxu bixiyay waardigii intanada kalana waan iska fadhisanay,maskaxda iyo jidka ruux ka daalan aadna ogtahay in lagu raadsanayo hurdaad tidhiye xita indhaha isku qaban maheysid,anago sidii ufadh fadhiina cidankuna nin walbo waardi yahay ayuu waagi baryay.

Markaan salaada tukanay ayaan luditaan bilawnay markaan anaago dhan sheikha waxbo ma dhaano waayo oon,daal,gaajo,haraad xita mid mid la hadli naguma jiro,markaanu in yar soconay ayaan socod gabnay waan iska fadhiisanay,duhurkii halkiiban ku tukanay ,markay tahay casarkii ayaan is raacnay aniga beergeel iyo dhabuke markaanu in mudo ah soconay ayaan cidanka afka oga galnay,xabad ayeey nagu bilaaben anaguna intaan Ku ridnay ayaan dib dib oga baxnay sidaas markaan ubaxnay ayu beergel naga leexday aniga iyo dhabuke ,beergel kox ayaa gees uceydhsaty Aniga iyo dhabuukana kox ayaa gees nola baxday,ma ordi karno xita lugaha waan qaadi La,nahay,waxaan Ku ficneeyn xaga qorax udhaca ayaan aadnay shiishkodu nama qabanayo waayo iftiinka qoraxda heeysa iyaga lkn anagu waan shiishi karna,markey in mudo ah na daba socdeen sadex Nina aanka dilnay ayeey naga hadheen.

Maar aan socod gabnay,lugaha xitaa waan qaadi La,nahy, oonka iyo haraadka sunta baaruda carabkii ayaaba na qalalay labadanadu islama hadleyno sidii dhagooladii ayuu ii medaaraya,meel geed hostii ayaan fadhiisanay,saxibkanagii nala socday maheyno,dhawaacan kasoo taganay awood aan ogu laabano maheyno oo socod waan gabnay,murugada,niyad jabka,Daalka,haraadka,sunta baaruda ayaa maanka nagii badalay

Markeey albaabka igaaso saaren ayaan arkay naftihure #gadhcase oo inteey lugihii iyo gacmihii isku xidheen(eey figeeyen)qoraxda inteey seexiyeen,ayeey badhna garaacayan badhna kabahooda ayeey La dhacayaan,waan naxay,#gadhcase wuxu ahaa naftihure Da,a sii xuna waalo jidh dilayaa OÖ biliadanimada ka baxsan,askartii waxeey ii geeyen gadhacase,kuwi dilayay markey ii arkeen ayey dilkii ka daayen suaal ayey weydiiyen miyaad garaneysa ayey Ku dhaheen”haa “,markaas ayeey igu dhaheen sheeg #shaydhan deeq”intaan firiyay ayaan Ku idhi”magaranayo”markaasu midu haraanti wadnaha igaga dhuftay dhulkan kudhacay markaasey buudka igula tunteen” kadib weey ii figeeyen,weey naga tageen waxaa no yimid mid ladhaho #xassan OÖ ahaa marajaaga lababaar ayaa no yimid intu xadhigii Naga furay ayu gadhacase ka xeystay meel bal Balo ah ayeey la galeen,in yar kadib anigiina wala ii kaxeeyay meshii markii lai geeyay,ayeey bac basbaas leh madaxa ii galiyeen”markaad neefsato waxaad qadaneeysa bas bas itobiyaankii OÖ sidiisa ah,sanka, indhaha ayaa ku gorarii,neeftuna weey kugu xidhmi ila maskaxda ayaa ka olali”ciqaab ruux lagu ciqaabo mida u xun weeye ILa iyo hada indhaha walaiga qabta,marna weeyno galiyaan marna weey naga saaran,walaso wacay markaasey gaadhi nasaaren #beergeel OÖ isna dilan ayeey baaburkii so saaren waxaa nala geeyay qabridahar Shilaabo kumaana istaagin

Casar ayaan tagnay qabridahar,waxaa isku mar nala keenay Calanle Gantaal oo ahaa taliye qebtii Danab oo dhawac ah maantana lasoo qabtay, dagaal labo naftihure kaga shahiiday ayaa lagu qabtay isago xabadu lugta jabisay,sadexdanadii waxaa nala fadhiisiyay nin walbo meel gooni ah,oonki,gaajadi sadex Bari shaah iyo biyo hal mar ah Mooye jidiinkeyga cunto ma mariniin, waxaa markaas Dagaalka hagaya #korneyl nus dariiq,shalaqe maxbuub,shalaqe haadka laba liiqay,shalaqe xaabsade, intaas unban ka garanayaa ragii dagaalka nagula jiray lkn weey badnaayeen.

Markeey maqribkii ku dhawdahay ayaa #naftihure xayi dheere waxeey ka Heleen meel laasa ah oo ladhaho gadhcilaan,liyugii ayaa arkay xabad kumey ridin Marku biyihii dhaansaday ayu baxay waxeey rabeen inu ola tago cidanka kale lasocda sheikhuna show mesha kama foga wax yar kadib ayu sheikhii utagay,sheikhii ayaa arkay cidanka xabada ogu horeeysana isaga ku riday meeyna cararin waayo weey hareereyeen,sheikhi iyo xayi dheere weey kala jeedsadeen,waxaa intaas lasoo wacayaa #nuus dariiq,gawaadhi cidan ah ayaa kolba baxayaa waan dareemeyna in saxiibadanadii La helay,(anigu lkn waxaan islahaa gaajo iyo oon ayeey udhamaan iyadoon cadawba arag) waxaa intaas La keenaya gawaadhi dhawac sida,meydkana Shilaabo ayeey geeynayen sidaan warbixinta ku helay,weey u gali waayeen sheikha waayo waligeey ma arag biliadam ka geesisan,ka calool adag,ka shiish badan,ka kalsoni badan ka dhiiri galin badan,isagoo fadhi xabad ku ridaya arki maheysid ,khibarada dagaalka aad ayu uyaqaana kaligii 100 oo nin wuu la dagaalami karaa,markii ogu horeeysay waxaa shahiiday naftihure #xayi dheere,shan saac oo habeenimo markey tahy ka gees ka gees waxaa ka bilawday xabado iyo qoryo waa weeyn,waan garanay ineey dabaal dagayaan,waxaan maqlay in habeenkaas wuu sheikhu dilay 13nin.

Habeenki odhan ayeey kor kanaga lagu dabaal dagayaa,kolba mid liyu ah intu Ku imaado ayu afka kaa laadi intu diintada caayo,murugo, naxdiin iyo ciil aya na dishay,xabaduhu weey iska dhacayaan,magaalada waxaad moda in maalin ciid ah la joogo dad weynihii odhan ayaa Dabaal dagaya,hamblyada hawaarinta iyo baaranburka eey haweenku tirinayaan ayeey dhagahanagu maqlayaan,ileen ciil loma dhinto.

Todobadanadii Sadex waan xidh xidhanahay,labbo meydkodii ayaa lagu dul dabaal dagayaa,midna meydkiisa dhurwaaga ayaa cunay(waayo cid aastay majirto meel cidlo ah ayaan jognay anagiina waan awoodi weynay inaan asturno hawaarintiina weey kaso tageen)naftihure #dhabuke geeri iyo nolal kuma heyno walaac iyo walbahaar ayu qalbiganagu la dilaacaya,markaad niyad jabto,moral jabto meeydka ayaa kudhaama

Lasoco qeybta 3aad

Waxaa qoray halgame Abdirisak shukri abdi oo kamid ahaa 7 xubnood


Asxaabtada lawadaag

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *