DILKII SHEIKH DEEQ AUN 18/07/2016
Shihiid sheikh Deeq (AUN)
Tarikhdu markay aheyd 10/7/2016,ayaan ka baxnay caasimada Somalia ee muqdisho,waxana ubaxnay magaalada balad weyne.
Waxaan aheyn todobo(7),
1.(AUN) halgame sheikh deeq 2.(AUN) halgame xayii dheere 3. & halgma dhabuke cismaan ceelabe,sadexdas weey raacen isku gaadhi.
Halgma gadhcase,beergel,(AUN)Yusuf masaari,iyo aniga waxaan fulnay isku gaadhi ,
Isku mar ayaan magaalada ka baxnay anago dhan lkn gaadhiga aan anagu saarneyn ayaa ka horeeyay gadhiga eey sheikhu saarna.
Waxaan sii soconay maalin iyo habeen waxaan magaalada baladweyne galnay casar gaaban,postaajada waxaa nagu sugayay naftihure gacmo god oo nosii diyaariyay guurigan seexan laheyn .
(AUN)sheikh deeq iyo labadii naftiihure lasocotay waxaa la geeyay xaafad,
anaga waxaa nala geeyay hotel kuyaala magaalada cidhifkeeda,markan seexanay habeenki . Nasiib wanaag waxaanu digniin ka helay gabdh ka mid ah xubnaha jamhada oo noo sheegtay in meshan sadex bari kadiba cidamada itobiya baadhitaan Ku sameeyan,meshii weey naga ka xeeysay waxay na geeysay xaafad eey iyadu Dagan tahy.
Waxaan jognay magaalada baladweyne laba habeen iyo labadoodi maalin,Casar gaaban markey tahy waxaa no imaaday labo gabdhood oo xubna ah waxeeyna no keneen,hilib qalalan oo eey baco kuso modh gareeyen,boorso daawo ah,timir qalalan,caagado shaqlan.
Gabdhii markeey sidaas ubaxeen ayaa waxa La so wacay halgma gadhcase waxaana lagu yidhi diyaar garooba,gaadhi nooha ah oo uu saarayanhy naftihure gacmo god ayaa no imaaday waan fulnay,kadib waxaan Ku baxnay wadada laamiga ah ee isku xidha baladweyne iyo matabaan,markaan magaaladi laba sac ka sii soconay oo ayaa gaadhigii meel duur ah lagu leexiyay ayaa La yidhi daga oo duurkan gala,gaadhiyadana iska ilaaliya oo is qariya
Naftihure gacmo god iyo beergeel ayaa gaadhigi nohada ahaa La tagay inteey naga maqnaayen ayu no imaaden (AUN)sheikh deeq iyo naftihurayaashi lasocday asoco Qaybta labaad (2)
Marku no imaaden (AUN) shahiid sheikh deeq iyo naftodhurayaashi lasocday,waxaa iyagana soo laabtay naftihure gadhgod iyo naftihure beer geel,gaadhigii noohada ahaa eey wateena wadada intii lagasoo bixiyay ayaa durka lasoo galiyay.
Kadib waxaa cidaanka iskugu yeedhay (AUN)halgma sheikh deeeq,wuxu nagu salaamay salanta islamka salan kadib wuxuu no soo jeediyay khudbad cajiib ah,wuxu aad ogu dheeraday fadliga jihaaadka,tacadiga iyo dhibaatada uu gumeeysigu ku hayo shacabka Dulman ee somalida ogaadeniya,
waxaan ka xasuusta hadaladisii”naftodhurayaal waxaan nahay guriga eey shacbkenu ka dugsanayaan gumaysiga” waxaan nahay ileyska kali ah eey shacbkeenu sugayaan”,waxeey Doonayaan ineey ina gumaystan,anaguna waxaan rabna inaan gumaadno,maanta laga bilaabo waxaad Dusha saarateen masuliyada 9milyan OÖ shacab la gumaysta ah,gumaysigu waa Duli lkn waxaa kasii duulisan ninka madaxiisa hoos dhigta,
Khudbad dheer kadib wuxu sheikhu ciidanka ku amray inu nin walbo tutihiisa xidho,markan xidhanay ayu no qaybiyay qoryihii,waxaan wadanay qori saban ah waxaana lo dhiibay naftihure beergel,cidanka intiisa kale Ak47 Ayu udhiibay,wuxu aniga ii dhiibay boorso daawo kujirta wuxu igu yidhi cidanka adiga dhaqtar ka ah.
Markan salaada makhrib tukanay,cidaankiina nin walbo qorigiisi iyo beeylkiisi uu wato ayaan isku gurnay gaadhi nooha ah waxaa nala socda naftihure gadh god oo na Wado marin rabay,waxaan qaadnay wado mida feer feer aan aheyn waxaan sii marnay Tulo ladhaho kunaso meshaas wax ciidan ah majoogin,Markey sacadu tahay afar sac oo habenimo ayaan toosh aragnay gaadhigii ayaa la istaajiyay kadaga unba la yidhi,markaan dagnay ayuu gadh god utagay toshkii wuna soo ka xeeyay,toshka waxaa watay nin la rabay inu na wado mariyo.
Markan ninki wado mariyaha ahaa helnay ayuu gaadhigii kala fireeyay waxaa la labtay naftihure gadh god intanadii kale hayaankii ayaa no bilawday. Gaadhigii wuu Naga laabtay,waxaa cidanka hör kacay ninkii wado mariyaha ahaa,sadex sac markan soconay waxaan galnay silsiladii buraleyda ee barmagoog, jiiro dhaadher ee la fulayay lagana dagayay ayaa waxaa nagaga xanuunaaday naftihure gadhcase,oo runti ahaa da,a,markaas ayu (AUN)naftihure sheikh deeq cidankii fadhiisiyay,markaan inyar nasanay ayaa hadana hayaanki la galay,xanunkii wuu ku sii saaiday naftihuraha wuxu awoodi waayay inu burta fuulu kana dago,waxaa laga qaaday borso uu watay iyo beylkiisi. Markeey tahy sagaal sac oo habennimo ayu dhaqaaqi waayay naftihure gadhcase,(,AUN) naftihure sh deeq ayaa cidankii yidhi nasta wardina bixiyay,waxaa naloo kiciyay salaad subixi markan tukanay ayaan bilawnay hayaanki iyo socdaalki,markey qoraxdu baalka soo bixisay ayaa waxaan so jidhnay qoys meel dagan, waxaa na arkay odaygii rerka,marku sidaas no arkay ayu cararay wuna naga fogaa,naftihure beergel ayaa yidhi masoo qabta AUN Sheikh deeq ayaa yidhi iskadaa hadaad xabad ka daba rido shanqadhena ayaa la maqliye. Markey tahy sadex sac oo aroornimo waxaa no dhaqaaqi wayay naftihure gadhcase,(AUN)naftihure sheik Deeq ayaa cidanka Ku yidhi raad gata,in mudo ah markan raad gadasho kujirnay ayaan meel dagnay,wardigii ayaa la bixiyay,shahna waanku kaarsanay Markan shaaheynay ayu naftihure dhabuke yidhi odaygii maanta inu inasoo sheego ayaa laga yaaba waayo farjano weey ino muuqata liyu ayaa Dagan ee cidanku hab dagaal halo dajiyo,markaas ayu sheikhu cidankii feeliyay nin walbna geed galiyay wuxu nagu yidhi cadaw haduu inaaso galo hadeey idin arkaan xabada wad Ku ridi kartan lkn Hadeey na idin arag xabada haku ridina ilaa aan laarmiga yeedhiyo,qorigii sabanka ahaa dhexda ayaa la galiyay meshu waa meel faraq ah. Afar saac iyo badh markeey tahy ayeey nasoo galeen in maleeshiya ah iyo in liyu ah oo yaaceysa oo kuhaya aabo meel kale ayeey u duulen ee shalaqe maxbuun weeydii inu raad koodi helay markaas ayeey istaagen,ku yar ayaa wuxu uwaday icon marku sidaas loogu dhiibay icon kii ,waxaa yeedhay laarmigii sabankiina naftihure beergel ayaa Ku riday waxaa bilawday dagaalki iyagu xabad saas ah nagumeey ridin,waxaan gobtaas kudilnay sadex ciidan ah iyo horjoogihii cidanka,anaga waxbo nagamaso gaadhin dagaalkas isla markiiba laarmigi ayu sheikhu yeedhayay”baxa baxa cidan kale ayaa la socda ee durba inaga saara gobta”sidass ayaan kaga baxnay Dagaalkii anago wax nasoo gaadhin Xabadu markeey bilaabaty ayuu naga cararay wado mariyihii oo ahaa ninka indhaha cidanka uu ah waayo dhulka maana aqoonin,meelaha cadawga leh isagaa no sheegaya waxaa nagu dhacay jawhareer dhan walbo ah xiita meelaha biyaha leh ee eysa cidamadu joogin isagaa yaqaanay oo la rabay inu nageeyo
Lasoco qeybta 2 aad
Waxaa qoray halgame Abdirisak shukri abdi oo kamid ahaa 7 xubnood